Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq, ayaa Maanta guddoomiyey Shir ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee Wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo Bulshada.
Intii uu Shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee Dowladda. Agaasimaha Guud ayaa Agaasimiyaasha ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, wada-shaqeyn dhow, iyo hubinta in qorshayaasha Dowladda si hufan loo fuliyo.
Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq ayaa sidoo kale ku boorriyey Agaasimiyaasha inay labanlaabaan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sharmarke Maxamed Kuulow.


