Dowladda UK oo soo dhaweysay Gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Danjiraha Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council).

Danjiraha ayaa tilmaamay in xilligan xasaasiga ah ee uu Dalku marayo, wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu wajahayo mudnaanta Qaranka, lagu xoojinayo xasilloonida, isla markaana lagu taageerayo danaha guud ee Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Boqortooyada Ingiriiska ay weli diyaar u tahay taageeridda dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida, isaga oo Soomaaliya ku tilmaamay “saaxiib iyo lammaane muhiim ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah Casuumaad ugu fidiyay Siyaasiinta Golaha Mustaqabalka si looga wada hadlo geeddi-socodka Dowlad-Dhiska iyo Mustaqbalka Dalka.