Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa amar ku bixiyay in dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga guuraan.

Wasiirka oo ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga casriyeynta Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan qeybta Gaheyr, ayaa sheegay in dhulkaasi uu yahay hanti qaran oo loogu talagalay adeegga bulshada.

“Dhulka Jaamacadda Ummadda waa dhul dan guud ah, dadka deggenna waa in ay si degdeg ah uga guuraan si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, oo isna munaasabadda ka hadlay, ayaa si diirran u soo dhaweeyay dhagax-dhigga dib u dhiska jaamacadda.

Guddoomiyuhu wuxuu Wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixinayso horumarinta waxbarashada dalka, isagoo yiri:
“Waxaan uga mahadcelinaynaa Wasaaradda Waxbarashada sida ay ahmiyad weyn u siinayso dib u dhiska iyo tayeynta xarumaha Jaamacadda Ummadda.”