Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalku galay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta, kaas oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu soo xirmay kulankii heerka sare ahaa ee looga hadlayay Xoogga la saarayo Afrika (29–30 Abriil 2026), halkaas oo Soomaaliya looga aqoonsaday inay tahay waddan u taagan casriyeynta iyo hoggaaminta isbeddelka duulista ee Gobolka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta nidaamkan lacag-bixineed ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay qaranka, isagoo yiri: “Tani waxay marag u tahay dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta qalabka iyo adeegyada duulista hawada.
Waxay fure u tahay in shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed iyo wakiillada socdaalka ay helaan nidaam lacag-bixineed oo hufan, ammaan ah, isla markaana la jaanqaadaya xeerarka ugu sarreeya ee caalamka.
“Dhinaca kale, Kamil Alawadhi, Madaxweyne Ku-xigeenka Gobolka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka, ayaa bogaadiyay go’aanka geesinimada leh ee Wasiirka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay hadda qayb ka tahay dadaalka diiradda lagu saarayo Afrika oo ujeeddadiisu tahay:Xoojinta isku xirka duulimaadyada dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
Dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha ee ka dhasha socdaalka cirka.Yaraynta caqabadaha canshuuraha iyo kharashaadka hawlgalka ee ragaadiyay duulista Afrika.
Nidaamkan xisaab-xirka ayaa la filayaa in si buuxda looga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya dhammaadka bisha Maajo 2026, taas oo fududeyn doonta in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si fudud oo ammaan ah u goostaan tigidhada diyaaradaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo kor loo qaadayo badbaadada iyo amniga duulista ee waafaqsan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada Rayidka ah.

