Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda daahfurka Istaraatiijiyadda Tallaalka Qaaradda Afrika oo ay hoggaaminaysay Hayโadda Africa CDC.
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu Wasiirku kusoo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay xoojinta adeegyada tallaalka iyo horumarinta caafimaadka bulshada sanadihii u dambeeyay, waxa uu si gaar ah u xusay dhismaha Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabeysha, oo uu guddoomiye ka yahay Raโiisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamza Cabdi Barre, taas oo muujinaysa sida ay Dowladda uga goโan tahay ciribtirka cudurrada laga hortagi karo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in heerka Tallaalka dalka uu gaaray 76%, taas oo ka tarjumaysa mudnaanta weyn ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso caafimaadka shacabka, gaar ahaan adeegyada tallaalka carruurta iyo bulshada nugul.
Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dadaallada Dowladda ee ku aaddan kordhinta maalgelinta gudaha ee adeegyada caafimaadka, isaga oo xusay in barnaamijyada tallaalka lagu daray qoondada miisaaniyadda dowladda si loo xaqiijiyo joogteynta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka.
Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay bixiyaan bahwadaagta caafimaadka, gaar ahaan Gavi, the Vaccine Alliance, oo door weyn ka qaadata hubinta in carruurta Soomaaliyeed helaan tallaallada badbaadada nolosha.
Wasiirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay xoojinta barnaamijyada tallaalka, kor u qaadidda caafimaadka bulshada iyo ka qayb qaadashada dadaallada heer qaaradeed ee lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka Afrika.

