Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa Maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Tom Fletcher Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo.
Soo dhoweyntan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle. Wafdigan ayaa ka qeyb galaya wadahadallo ku saabsan baahiyaha Bani’aadannimo ee Dalka ka jira, hormarinta Gargaarka iyo Maalgelinta.
Mudane Tom Fletcher booqashadiisa Soomaaliya waxay socon doontaa 27-ka Abriil ilaa 1-da May, waxaana lagu wadaa inuu booqasho ku tago Magaalada Baydhabo, isaga oo u kuurgali doona xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira halkaas.


