Taliyaha Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Taliska Guud ee Ciidanka XD

Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow), ayaa maanta Taliska Guud ee Ciidanka XDS ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya, S/Gaas Kalkan Sebahattin.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta ciidanka, iyo horumarinta howlaha amniga.

Labada Taliye ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo door weyn ka qaadanaya dib-u-dhiska iyo kobcinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow) ayaa uga mahadceliyay S/Gaas Kalkan Sebahattin booqashada qiimaha leh ee uu ku yimid Taliska Guud, isagoo xusay in taageerada Dowladda Turkiga ay tahay mid muuqata oo wax ku ool ah.