Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta billaabay Aqoon-Isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Guddiga ee ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Dalka.
Aqoon-Isweydaarsigan oo ka dhacaya Muqdisho ayaa isu keenay Xubnaha Guddiga iyo khubaro ka socota Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee heer Gobol, si ay uga wada shaqeeyaan dhisidda awoodda Guddiga iyo gudashada waajibaadkiisa qaran.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim, ayaa ku tilmaantay Aqoon-Isweydaarsigan tallaabo aasaasi ah oo lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo hufan, isla markaana door muhiim ah ka qaadata Horumarinta Caddaaladda, isla xisaabtanka iyo kalsoonida Dadweynaha. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan HRPG, taageeradooda farsamo iyo wada-shaqeyntooda joogtada ah.
Tababarka waxaa diiradda lagu saarayaa sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, Xeerarka Bini’aadantinimada, hababka kormeerka iyo baarista xadgudubyada, iyadoo sidoo kale la falanqeynayo arrimo muhiim ah sida tacaddiyada la xiriira colaadaha, Carruurta ku lugta leh dagaallada, iyo kormeerka Goobaha lagu hayo Dadka xiran.


