Wasaaradaha Beeraha iyo howlaha guud oo ka shiray go’itaaanka Buundooyinka Sabiid iyo Bariirre

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane Ayuub Ismaaciil Yusuuf, ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay go’itaanka buundooyinka Sabiid iyo Bariire, kuwaas oo si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga u dhexeeya deegaanadaas iyo goobaha kale ee wax-soo-saarka beeraha.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, la-taliyayaal iyo madaxda mashaariicda ee Wasaaradda hoos timaada.

Dhanka kale, kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Xayri Maareeye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay caqabadaha jira, Waxay tilmaameen in go’itaanka buundooyinka Sabiid iyo Bariire ay xaalad adag ku keeneen isu socodka gaadiidka iyo nolosha beeraleyda.

Kulankan oo ahaa mid hordhac ah ayaa inta badan diiradda lagu saaray diyaarinta ajendaha kulan ballaaran oo la filayo in ay ka qayb galaan Wasaaradaha Beeraha, Gaashaandhigga, Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Rugta Ganacsiga iyo SODMA.