Ciidanka Xoogga Dalka oo Raashiin gaarsiiyay Bulshada ay Abaartu saameysay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deeq Raashin ah gaarsiiyay Bulshada ay Abaartu saameysay ee ku nool Deegaanno hoostaga Degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa fuliyay howlgalka gurmadka ah, iyadoo la raacayo amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.