Qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamulka Galmudug iyo marti sharaf kale ayaa Magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey buug ka hadlaya taariikhda dhismaha maamulka Gobolada Dhexe iyo kan Dowlad Goboleedka ee Galmudug.
Munaasabaddaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen maamulka jaamacadda Umadda iyo aqoonyahanno kale,waxaa xubnihii ka hadlay halkaasi ay ka warbixiyeen ahmiyada buugaan iyo kaalinta uu ka qaadan karo cilmi barista iyo kor u qaadidda aqoonta ee dhallinyarada ku howlan waxbarashada.
Buufaan waxaa qoray Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey,kaas oo iftiiminaya marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray, caqabadihii jiray iyo dadaaladii wax ku oolka ahaa ee siyaasiyiinta gobolkaasi ay ku badbaabiyeen dadka iyo deegaanka Galmudug.

