Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey toddobaadka dhir-beerista dalka, kaas oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda.
Wasiir Daa’uud oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in barnaamijka dhir-beerista uu muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta deegaanka iyo horumarinta qaranka, isagoo xusay in dadaallada noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaallanka isbeddelka cimilada.
Mudane Daa’uud Aweys ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay si firfircoon uga qeyb qaataan beerista dhirta, isla markaana aan lagu koobnin caasimadda oo keliya, balse laga hirgeliyo guud ahaan dalka.
Sidoo kale, Wuxuu tilmaamay in barnaamijkan ballaaran ee dhir-beerista ee 17-ka Abriil uu yahay mid lagu dhiirigelinayo bulshada, si ay uga qeyb qaataan badbaadinta deegaanka iyo kobcinta dhirta.
“Barnaamijka dhir-beerista waxaa uu qiimo badan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo qaranka guud ahaan, dhammaan Umadda Soomaaliyeed waan ku dhiirigelineynaa inay beerista dhirta ay qeyb ka noqdaan oo aysan kaliya ku ekaan Muqdisho. Barnaamijka ballaaran ee dhir beerista ee 17-la Abriil waa mid aan ku dhiiri galinayno dhamaan Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xusay in ka qeybgalka bulshada ee ololahan uu muhiim u yahay mustaqbalka deegaanka Soomaaliya, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo kheyraadka dabiiciga ah.

