Munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayo aas-aaskii Ciidanka XD oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda casho sharaf ah oo lagu weyneynayo sanad-guurada 66-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.                                                                                                          Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada qalabka sida, guddoomiyeyaasha maxkamadaha ciidammada, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale, ayaa ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.                                                                                                 Munaasabadda ayaa lagu bogaadiyey doorka ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin difaaca qaranka, ilaalinta amniga iyo la dagaallanka cadowga, iyadoo madaxda ka hadashay ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta awoodda iyo tayada ciidanka.                      Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Maxamed Maxamuud oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri”Ciidanka Xoogga waxay gaareen guulo waa weyn oo ka dhan ah Khawaarijta sanadkii lasoo dhaafay”.Sidoo kale, Taliyaha ayaa aad ugu dheeraaday  Shuhaddada Agoonta Ciimada Xoogga Dalka iyo Muhiimadda uu Talisku siiyay.