Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo kaashanaya maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa degmada Awdheegle ka daahfuray diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo codka ah.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa si rasmi ay u furay guddoomiyaha degmada Maxamed Ibraahim Abuukar oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale, kuwaas oo iyagana iska diiwaangeliyay xarumaha ay howsha ka socoto.
Qeybaha kala duwan ee dadka deegaanka ayaa si weyn uga qeybtay isdiiwaangelinya, iyagoo muujinyay sida ay uga faraxsan yihiin ka qeyb galka doorashooyinka tooska ah.
Daahir Muuse Cismaan oo ka socday guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay si fir fircoon uga qeyb qaataan codbixinta doorashooyinka.

