Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa shir muhiim ah kula yeeshay guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Ethiopia, kuwaas oo si rasmi usoo booqday xarunta safaaradda.
Danjire Warfaa oo ay weheliyaan qaar kamid ah Diplomaasiyiinta kala duwan ee safaaradda ayaa guddigaan ku soo dhoweeyey safaaradda isagoo uga xog waramay xaaladda dalka, wuxuuna u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay tayeynta nidaamka Dawliga ah gaar ahaana arrimaha Amniga iyo Xiriirka Caalamka.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibbada Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamse Xaadoow, isagoo bogaadiyey booqashada guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Ethiopia ay ku tageen Safaaradda.
Waxyaalaha kale ee diirada lagu saaray kulanka waxaa kamid ahaa, in lasii wado dedaalada la xariira xoojin xiriirka, wadashaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo kobcinta Nabad-gelyada ee labada dal, waxayna guddigu ka mahadceliyeen sida diiran ee ay madaxda safaaradda Soomaaliya ugu qaabileen xarunta safaaradda ee Addis Ababa.

