Xubnaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirigaliyay arday ka baxday jaamacadaha Makerere

Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda ayaa ka qeyb galay munaasabad loo sameeyay arday Soomaaliyeed oo ka qallin jabiyay Jaamacadda Makerere oo ku taalla Dalka Yugaandha.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay C/Ladiif Maxamuud Cali ku xigeenka Safiirka Soomaaliya ee Dalka Yugandha,kaas oo ka waramay ahmiyadda waxbnarashada iyo iyo kaalinta ardayda qallinjabisay ay ka qaadan karaan sii gudbinta aqoonta kala duwan ee ay u baahan yihiin dhallinyarada kale ee dalka.

Munaasabaddaan oo ka dhacday Magaalada caasimadda ah ee Kambaalla waxaa dhammaan ka soo qeybgalayaasha ay ku booriyeen ardayda qallin jabisay in aqoonta ay barteen ay ku celiyaan dalka,isla markaana loogu adeego bulshada.

Xafladdaasi waxaa soo qabanqaabiyay Jaaliyadda Soomaalida  ee ku dhaqan Uganda ,gaar ahaan waalidiinta ardaydaasi ee ka qallinjabiyay jaamacadaha Makerere.