R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka daahfuro tartanka Orodada ee Maaratoonka.
Tartankaan oo ay ka qeybgalayaan dhallinyaro badan,waxaa soo qaban-qaabiyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS.
Ujeedka tarankaan ayaa ah in la soo gabagabeeyo munaasabadda Toddobaadka Horumarka Ciyaaraha iyo Nabadda.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud, Dr. Khadiija Maxamed Daahir, ayaa tiri: “Tartanka orodka Marathon-ka waa tartan furan, waxaana ka qeyb galaya 300 oo dhallinyaro ah oo isaga yimid gobollada Dalka.
Qaar ka mid ah ciyaartooyda saaka ka qeyb galaya tartanka orodka gaaban ee Marathon-ka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay diyaar-garowga ay soo galeen iyo waxa ay ka rajeynayaan tartankaan.

