Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Mohamed Osman Mohamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters of Credence) u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Nigeria.
Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku qabsoontay jawi sharaf iyo soo-dhaweyn diirran leh, iyadoo ka tarjumaysay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Intii ay socdeen kulamada la xiriiray munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, gaar ahaan heer caalami iyo heer goboleed.
Safaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria

