Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka, ahna safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Belarus ayaa nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Mudane Sergey Lukashevich, Wasiir Ku-xigeenka Koowaad ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Belarus.
Inta ay munaasabadda socotay, Safiir Subeyr wuxuu gaarsiiyay Wasiir ku xigeenka salaan uu ka siday Madaxweynaha Iyo Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale xaqiijiyay ka go’naanshaha Dowladda Federaalka ee xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo dhaqanka.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta danaha wadajirka ah ee ka qeyb qaadashada xasilloonida gobolka, horumarka, iyo iskaashi dhow ee dhinaca caalamiga ah.

