Hoggaamiyaha KGM ee Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey Xarunta Maamulka ee Magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Degmada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay halkaasi oo uu ku soo dhoweyey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane cabdulaahi cali watiin.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta habsami u socodka howlaha Maamulka Degmada, dardargelinta adeegyada Bulshada, iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka iyo Shacabka Deegaanka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Mas’uuliyiinta Degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee Maamulka, adeegyada Bulshada, iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, wuxuu indha-indheyn ku sameeyay Xarumaha muhiimka ah ee Degmada si uu u qiimeeyo heerka adeeg bixinta.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku bogaadiyay Maamulka Degmada dadaalka ay ku bixinayaan u adeegidda Bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.
Hoggaamiye Jabriil ayaa caddeeyay in Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta Maamul wanaagga iyo kor u qaadidda adeegyada Bulshada ee Deegaanada hoos yimaada.
Kormeerka Hogaamiye Jabriil waxaa ku wehlinayey Wasiirka Arimaha Gudaha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Wasiirka Dastuurka, Taliyaasha Hay’addaha Amniga iyo Safiirka Dowlada Federaalka Soomaaliya ufadhiya Dalka Tanzania.