SoDMA oo Magaalada Baydhabo ka wada bixinta Deeq Gargaar Raashin ah oo la gaarsiinayo Dadka Danta yar

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), ayaa Maalintii Labaad Magaalada Baydhabo ka wada bixinta Deeq Gargaar Raashin ah oo la gaarsiinayo Dadka danta yar ee ay saameeyeen Abaaraha ka jira Dalka, gaar ahaan kuwa ku Nool Baydhabo iyo Tuuloyinka ku xeeran.

Ilaa 520 Qoys oo isugu jira danyar, Naafo iyo Dad kale oo nugul ayaa Maanta ka faa’iideystay Deeqdan Gargaar.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa goobjoog ka ahaa bixinta Deeqdan.