Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Duqa degmada Baydhabo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Magaalada, dadaallada lagu xoojinayo Amniga, Horumarka laga sameeyey adeegyada Bulshada iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey Shaqada Maamulka Degmada Baydhabo, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha Dowladda si loo hubiyo Amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo Bulsho oo tayo leh oo ay helaan Shacabka Magaalada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Hay’adaha ku Shaqada leh in la dardargeliyo hirgelinta Mashaariicda horumarineed iyo Barnaamijyada Gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga Bulshada loona horumariyo kaabeyaasha Nolosha ee Magaalada Baydhabo.
Kulankan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali.


