Hantidhowrka guud oo Muqdisho ku qabtay kulan ku aadan fududeynta iyo dhowrista Dukumentiyada sharciga ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabtay kulan shaqo oo ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, iyo Agaasinka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo fududeynta dukumentiyada ku xiran diiwaangelinta iyo fulinta heshiisyada iyo qandaraasyada ay qaybta ka yihiin hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankani waxa uu muhiim u yahay xoojinta nidaamka dowladeed, hagaajinta habsami-u-socodka shaqada hay’adaha, iyo adkaynta isla-xisaabtanka maamulka guud, Sidoo kale, waxa uu door muuqda ka qaadanayaa xaqiijinta in heshiisyada iyo qandaraasyadu u socdaan si waafaqsan nidaamka, sharciyada, iyo habraacyada dowladda, taas oo lagama maarmaan u ah ilaalinta danaha qaranka iyo kor-u-qaadidda kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka waxa uu aaminsan yahay in isku xirnaanta hay’adaha, mideynta fahamka habraacyada, iyo dardargelinta geeddi-socodka dukumentiyadu ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo hufan, maamul sugan, iyo adeeg dowladeed oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.