Jowhar: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Intii uu socday howlgalka waxaa lagu guuleystay in wadada laga saaro miinooyin ay Khawaarijtu ku aastay, si ay ugu dhibaateeyaan shacabka, waxaana howlgalka fuliyay cutubka Ciidanka Xoogga Dalka u qaabilsan ka hortagga iyo Soo saarista Miinooyinka.


