Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashooyinka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Doorashooyin hufan oo daahfuran, si loo xoojiyo Dimuqraadiyadda iyo Dowlad-Dhiska Dalka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga Doorashooyinka, wuxuuna caddeeyay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay taageeridda howlaha muhiimka u ah qabsoomidda Doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeyn joogto ah si loo gaaro yoolalka Qaran ee la xiriira Doorashooyinka iyo horumarinta Maamul wanaagga.


