Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha Abaareed ee ka jira Deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Hoggaamiyaha uu ka dhageystay Guddoomiyaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka Abaarta, saameynta ay ku yeelatay Bulshada, iyo dadaallada socda ee lagu gaarsiinayo gurmadka Degdegga ah Dadka ay dhibaatadu saameysay.
Guddoomiyaha SODMA ayaa xusay in Hay’addu ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha gurmadka, isla markaana ay wado qorshayaal lagu xoojinayo gaarsiinta kaalmooyinka Bini’aadannimo ee degdegga ah si loo yareeyo saameynta Abaarta.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo Iskaashiga ka dhexeeya Hay’adaha Dowladda iyo kuwa samafalka, si loo hubiyo in gargaar wax ku ool ah oo Degdeg ah la gaarsiiyay Shacabka ay Abaartu saameysay.
Kulanka Hogaamiyaha Jibriil waxaa ku wehlinayay Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta, Gargaarka, iyo La-taliye Sare ee Xafiiska Madaxweynaha Arrimaha Gargaarka.


