Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada Baydhabo kula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyay Safarka Madaxweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku joogo Baydhabo.
Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Baydhabo u joogo xoojinta Nabadda iyo Dhisidda nidaam Maamul oo Dimuqraadi ah, si Shacabka ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda.
“Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta Nabadda iyo Dhisidda nidaam Maamul oo Dimuqraadi ah, si Dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha intii uu joogay Baydhabo uu kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Bulshada. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sugidda Amniga Magaalada iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa xoojinta Nabadda iyo wadajirka Bulshada.
Waxaa kale oo uu xusay in la dardargelinayo hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay Howlgal guuleystay ay ka fuliyeen inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Muqdisho halkaa oo ay khawaarijtu ku dhibteen jirtay Dadka Shacabka,waxana markaa kadib halkaa gaaray Madaxda ugu sarreysa Dalka.

