Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan Maamulka Puntland dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay horey u muujisay doonisteeda ku aaddan taageerada dagaalka, balse arrintaas mararka qaar la siyaasadeeyay. Sidoo kale, waxa uu bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish.
“Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay kuwa Maamulka ku garab siiyaan dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XJFS
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa intaas ku daray in ay jiraan ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo horey ugu sugnaa deegaannada Puntland, kuwaas oo leh khibrad dagaal oo ku saabsan la-dagaallanka Daacish, islamarkaana mar walba diyaar u ah inay qeyb ka noqdaan howlgallada socda.

