Taliyaha Ciidanka Boliiska “Isbeddel wanaagsan oo ka dhaca Beydhabo ayaa la doonayaa in la arko “

Taliyaha Ciidanka Boliiska Gen. Asad Cismaan oo ka hadlay kulan looga hadlaayey amniga ayaa ka warbixiyay howlaha horyaalla ciidanka iyo sida ay muhiimka u tahay in shacab iyo ciidan lagu  baraarugo soo celinta amniga magaalada iyo deegaanada kale ee gobolka Baay.

“Isbadalka in la arko oo la dhadhamiyo ayaa la rabaa ee maahan in la wiiqo xasiloonida oo qof kasta ay doonto in ay sameyso wixii ay rabto”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska.

Gen. Asad Cismaan ayaa xusay in cadowga koowaad,kan labaad iyokan sadexaad ee ay leeyihiin shacbiga Soomaliyeed ay yihiin kooxaha khawaarijta,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto cadowga nabad-didka ah.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan umadda,wuxuuna kula dardaarmay in laga shaqeeyo nabad ku wada noolaanshaha iyo wadajirka shacabka.