Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay saraakiisha ciidaamada ee ka qeybgalay kulan la xiriiray soo celinta amniga ayaa ka warbixiyay xaaladda magaaladaasi iyo sida xilliggaan ay lagama maarmaanka u tahay in loogu howlgalo xaqiijinta nidaamka iyo kala dambeynta ay ku caanbaxay Beydhabo.
Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay u burburiyeen kooxaha khawaarijta iyo sida nabaddgelyada ah ee ay uga qeybqaateen howlagaldii ka dhacay magaalada Beydhabo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud waxa uu ku baaqay in saraakiisha ay ka shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo sidii dadka ay barakiciyeen khawaarijta dib loogu celn lahaa deegaanadii ay ka yimaadeen.
Taliyaha ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada dalka ,gaar ahaan goobaha ay weli ka jooogaan kooxaha khawaarijta e caadeystay waxyeeleynta dadka rayidka ah.

