Shirweynaha Ururrada Xuquuqul Insaanka oo Geneva lagu soo gabagabeeyay

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI) oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo Soomaaliya ay markii ugu horreysay ka qayb gashay shirweynahaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Drs Maryan Qaasim Axmed oo hoggaaminaysay wafdiga ayaa shirka ka jeedisay khudbad ka hadleysa xaaladaha Soomaaliya ,taas oo taabaneysa dhinacyo badan.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray saameynta ay xuquuqda aadanaha ku leeyihiin teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan garaadka gacmeedka (artificial intelligence) iyo aaladaha dhijitaalka ah. Guddoomiye Maryan Qaasim Axmed oo hadal ka jeedisay shirka, ayaa si gaar ah uga hadashay horumarrada Soomaaliya ay ka gaartay dhinaca xuquuqul aadanaha, iyo dhismaha Guddiga Qaran ee loo idmaday inuu ka shaqeeyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha iyo Wafdiga ay hoggaamineysay ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Berhanu Adelo, waxayna si gaar ah u falanqeeyeen sii xoojinta iskaashiga labada Hay’adood.