Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Deegaanka Daynuunaay

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-03-2026, waxa ay cagta mariyeen jidgooyooyin u yaalay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, Nawaaxiga Deegaanka Daynuuneey ee Gobalka Bay.

Waxaa hawlgalkaasi lagu dilay in ka badan 20 Xubnood oo ka mid ah Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu guulaystay in la burburiyo Isbaarooyinkii u yiilay halkaas.

Hawlgalkaan waxa uu qayb ka yahay hawlgalo sifayn ah oo ka socda Gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Bay.

DFS waxay nasiib darro weyn u aragtaa in Shakhsiyaad ku tumanaya Dastuurka iyo Sharciga Dalka u degsan oo ku sugan Baydhabo ay faafiyaan Warar been abuur ah oo ay ku difaacayaan Khawaarijta kuna been abuuranayaan Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ee ka taageera dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.

Hadalada iyo dacaayadaha raqiiska ah ee Shakhsiyaadkaasi waa kuwo aan sal iyo raad lahayn, oo la doonayo in lagu marin habaabiyo Shacabka Soomaaliyeed ee u heelan taageerada Dowladnimada iyo Dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada.

Dawladda Soomaaliya waxay u Mahadcelinaysaa dhammaan Saaxiibada Caalamka, Gacanta Walaalnimo ee ay siiyaan Ciidamada Qaranka ee ku aaddan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

DFS Waxaa Sidoo kale ka go’an inay sii waddo Hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta si Shacabka Soomaaliyeed loogu abuuro Fursado ay ku gaaraan Horumar iyo Barwaaqo, iyagoo haysta Nabad buuxda.