Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay xuska maalinta Qaaxada Adduunka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxaa diiradda lagu saaray arrimmo ay kamid ahaayeen xoojinta dadaalada lagu xakameynayo faafidda cudurka qaaxada iyo sida bulshada looga wacyigalin karo in meesha laga saaro takooridda bukaanada la ildaran cudurkaasi.
Xuska munaasabadda ee Maalinta Qaaxada Adduunka waxaa mudadii ay socotay lagu soo bandhigay dodo iyo tallooyin ku saabsan sida loo joojin karo faafidda cudurka ,isla markaana loo badbaadin karo Dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan bukaanada la ildaran cudrkaasi.
Halkudhegga sanadkaan ayaa loo doortay “Haa waan joojin karnaa cudurka qaaxada,iyadoo ay iskaashi sameynayaan dowladda,dhaqaatiirta gaarka ah iyo shacabka.
Waxaa kamid ahaa xubnihii ka hadlay xuska Maalinta Qaaxada Maamulaha Barjaaminja Qaaxada ee Qaranka Maxamed Jacfar Saalax ,Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Luul Maxamuud Maxamed iyoAgaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka XFS Fartun Shariif Axmed.


