Wasiirka Ganacsiga XFS, Oo Ka Qaybgalay Shirweynaha 14aad Ee Wasiirrada Ururka Ganacsiga Adduunka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal  Maxamed Xasan, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada Ururka Ganacsiga Adduunka (14th World Trade Organization Ministerial Conference), oo ka dhacaya Yaoundé, Cameroon.

Shirku wuxuu isku keenay hoggaamiyeyaasha caalamka si ay uga qayb qaataan doodaha ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ganacsiga dhinacyada badan, oo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta WTO, horumarinta ganacsiga dijitaalka, fududeynta maalgashiga, iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga caalamiga ah.