Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XJFS oo ka qeybgalay gunaanadka Barnaamij la xiriiray Horumarinta Amniga

Muqdisho- Wargeyska Dalka-Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha XJFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ka qeybgalay Munaasabadda gabagabada Barnaamijka xoojinta qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo Bandhigay Horumarka iyo saameynta uu Mashruucu ku yeeshay dhismaha iyo Horumarinta Hannaanka Amniga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Mashruucu uu Tobankii Sano ee la soo dhaafay door muhiim ah ka qaatay yagleelidda qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, isagoo gacan ka geystay mideynta Siyaasadaha, xoojinta Hay’adaha Amniga, iyo kor u qaadidda Aqoonta iyo kartida Ciidammada iyo laamaha Amniga Dalka.

Wasiirradu waxay sidoo kale uga Mahadceliyeen Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Barnaamijyada lagu xoojinayo Hay’adaha Amniga iyo Difaaca, iyagoo tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay UK uga go’an tahay garab istaagga dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Dal Nabad ah oo xasilloon.

Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa La-Taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Aweys Xaaji, iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Danjire Charles King.