In ka badan 1,100 Qoys ayaa ka faa’iideystay Deeq Raashin ah oo la gaàrsiiyay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-In ka badan 1,100 Qoys ayaa ka faa’iideystay Deeq Raashin ah oo lagu qaybiyay Deegaanno hoostaga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Deeqdan Raashiinka ah ayaa la gaarsiiyay Qoysaska ay Abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ku nool Tuulada Cal Xasan iyo Deegaanno kale oo hoostaga Degmada Guriceel. Gurmadkan oo isugu jira Biyo-dhaamin iyo Raashin ayaa ah Wajiga Labaad ee howlaha Gurmadka ee laga fulinayo Deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug, halkaas oo Abaartu si weyn u saameysay Bulshada.

Boqolaal Qoys oo Danyar ah ayaa ka faa’iideystay Gurmadkan, iyadoo qaar kamid ah Qoysaskaasi ay si weyn uga mahadceliyeen Deeqda la soo gaarsiiyay.

Maalmihii u dambeeyay, Deegaannada Galmudug waxaa ka socday dadaallo Gurmad oo lagu caawinayo Qoysaska ku nool Miyiga ee ay Abaaruhu saameeyeen.