SoDMA iyo Wasaaradda Gar-gaarka Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka wada qaybinaya kaalmo beni’aadanimo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada Baydhabo ka wada qaybinta deeq gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka, kuwaas oo maanta la gaarsiiyay 300 oo qof oo iskugu jira naafo, barakacayaal dhawaan magaalada soo gaaray iyo dad jilicsan, kuwaas oo dhammaantood saameyn ka soo gaartay abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Deeqdan ayaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan qoysaska nugul ee ku nool deegaanada hoostaga Baydhabo iyo tuulooyinka ku xeeran, kuwaas oo wajahaya cunto yari ka dhalatay abaarta ka jirta guud ahaan waddanka.

Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay ka wadaa gobollada dalka howlaha gurmadka bani’aadannimo oo isugu jira cunto qaybin iyo biyo-dhaamin, si loo badbaadiyo dadka nugul ee ay saameeyeen abaarah