Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay Codsi ka yimid Gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala Caasimadda Dalka, ayaa ka jawaabay Codsi ka yimid Gabar Da’yar oo qabta baahiyo gaar ah, iyagoo ugu deeqay Gaari lagu riixo Dadka Naafada ah si uu uga caawiyo Dhaqdhaqaaqeeda.

Taliyaha Ururka,Gashaanle Maxamed Cabdi Xuseen (Koronto),oo booqday Guriga Gabadha yar ayaa sheegay in markii ay soo gaartay fariinteeda ay go’aansadeen in ay qeyb ka mid ah Mushaharkooda ka jaraan si ay uga qeyb qaataan caawinta Gabadha. Waxay sidoo kale tilmaameen in Ciidamada ay mar walba garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Dadka Nugul ee u baahan taageerada.

Dhankeeda, Gabadha yar ayaa uga mahadcelisay Ciidamada deeqda iyo garab istaagga ay u muujiyeen, iyadoo sheegtay in Gaarigan ay si weyn ugu baahneyd si uu ugu fududeeyo howl maalmeedkeda.

Arrintan ayaa muujineysa dareenka iyo damqashada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacana kula  dagaallama cadawga,tan kalena ku caawniyaan Shacabka ay u adeegayaan.