Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-Siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha ee Degmada Kaaraan

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Ciid-Siin iyo Taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha ee Degmada Kaaraan, oo lagu barbaarinayo ku dhawaad 300  Arday oo Wiilal Agoon ah.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in laga bilaabo Bisha Abriil Dugsigu heli doono taageero Lacageed oo joogto ah, si loo xoojiyo Daryeelka iyo Waxbarashada Ardayda ku jirta Dugsiga.

Guddoomiye Muungaab ayaa ku ammaanay Maamulka Dugsiga Dadaalka ay ku bixinayaan barbaarinta iyo xannaaneynta Carruurta Agoonta ah, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay Mas’uuliyad ka saaran tahay bixinta adeegyada aasaasiga ah. Wuxuu intaas ku daray in si gaar ah loo tixgelin doono Dadka leh baahiyaha gaarka ah, taasoo qayb ka ah fulinta dardaaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey u bilaabay taageeridda Dugsiga Agoonta Gabdhaha Boondheere, waxaana hadda Dugsiga Agoonta Wiilasha ee Degmada Kaaraan uu ka mid noqonayaa Dugsiyada  taageerada Dhaqaale ka hela Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.