Safiirka u jooga Soomaaliya Dalka Hindiya oo Xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran halkaas

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya ayaa Xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Wadanka Hindiya, dhanka kalana wuxuu ka qeybgalay dhageysiga fadhiga Koowaad ee Maxkamadeyntooda.

Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa oo Maalmihii la soo dhaafay Safar Shaqo ku joogey Magaaladda Mumbai ee Gobolka Maharashra ee Dalka Hindiya, ayaa Xabsiga ku booqday 44 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo Ciidanka Ilaalada Badda Hindiya ka qabteen Badweynta Hindiya.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo muddo badan Maxkamad sugayaal ahaa ayaa dadaallo Diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS waxaa lagu guuleystay in loo fariisto fadhiga Koowaad ee Maxkamadda oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Hindiya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odawaa, waxaana qeybta labaad lagu balamay in la dedejiyo waxaana uu Safiirku Rejo Weyn ka muujiyay in Muwaadiniintaas ay dib u helayaan Xorriyadooda.