Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka Gobolka West Virginia ee Dalka Mareeykanka kaas oo la xiriira Iskaashi ku saabsan Horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in Iskaashigan uu diiradda saarayo dhinacyada sahaminta Macdanta, Horumarinta Tiknoolajiyada la xiriirta khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta Aqoonta Farsamo ee Arrimaha Macdanta. Sidoo kale wuxuu xusay in qaraarku uu furi karo albaab cusub oo maalgashi iyo iskaashi caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay danaynaysaa in la helo wada-shaqayn wax ku ool ah oo ka caawisa Dalka in si habsami leh looga faa’iidaysto khayraadka Dabiiciga ah.”
Ugu Dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in khayraadka Dalka loo maareeyo si hufan oo waafaqsan danaha Shacabka Soomaaliyeed.

