Geneva- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay islamarkaana la guddoomisay ka warbixiyaha gaarka ah ee QM ee la dagaalanka argigixisada iyo Xuquuqul Insaanka ee Hannaanada gaarka ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM.
Kulan doceedkan oo qeyb ka ah Kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee ka socda magaalada Geneva ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta rasmiga ah ee booqashada Daleed ee ka warbixiyaha gaarka ah uu ku tagay Soomaaliya iyo aragtida Qaaradda Afrika ee dib u eegista 9aad Istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka taasi oo loo madlan yahay June 2026.
Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha ee QM Prof Ben Saul oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad u ammaanay guullaha iyo hormarrada isdaba joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay si gaar ah waxa uu u bogaadiyey guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya .
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo dhaweysay warbixinta iyo bogaadinta Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha waxaana ay ka warbixisay tallaabooyinka muhiimka ay ee ay Soomaaliya qaaday sanadihii ugu dambeeyey iyo sida xooggan ee ay dalka hormarrada uga socdaan caqabado kasta oo jira.
“Dhanka isla-xisaabtanka, Soomaaliya waxay qaadday tallaabo taariikhi ah. 10-kii Diseembar 2025, oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka, Madaxweynuhu wuxuu meelmariyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isagoo farriin cad u diray shacabkeenna iyo caalamkaba. Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guddiga. Guddigan wuxuu baari karaa xadgudubyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Waa hay’ad qaran oo loo dhisay inay dowladda kula xisaabtanto ficilladeeda” ayey khudbaddeeda ku tiri Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa xalay gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayadoo socdaalka Wasiiradda uu qeyb ka yahay safarro shaqo oo guullo ay Soomaaliya kaga soo hoysay fagaarayaasha caalamka , waxaana Wasiiradda iyo wafdigeeda maalmo ka hor magaalada New York kaga qeybgaleen shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka.

