Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa booqasho dhiiragalin ah ugu tagay geesiyaasha Kumaandooska Gorgor ee ku sugan degaanka Jabad Godone ee gobolla Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka Gorgor ayaa maalmahii lasoo dhaafay jabweyn gaarsiiyey Khawaarijta, kuwaas oo laga saaray deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen.


