Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeelka Agoonta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loogu sameeyay carruurta Agoonta ah ee Qaranka, kaas oo kusoo beegmay munaasabadda Xuska Maalinta Agoonta Caalamka oo sannad walba la xuso maanta oo kale.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Agoonta ah ay tahay waajib Qaran oo saaran dowladda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddu ay sii xoojinayso barnaamijyada taageerada iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada ee quseeya agoonta.

“In badan ubadkeenna kamid ah ma helaan waxbarasho ku filan oo laga yaabo in waalidkood noolyahay balse uusan waxba u qaban karin, dalkeennu waxa uu soo maray duruufo adag, carruurta Soomaaliyeed waa ubax usoo baxaya dalkeenna waxaanna loo baahanyahay in la garab istaago oo loo hiiliyo”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyey carruurta agoonta ah, ayaa ku boorriyay in ay xoojiyaan rejadooda ayna yeeshaan himilo fog, kana faa’iideystaan waxbarashada iyo fursadaha la heli karo si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in isku filnaanshaha amniga iyo dhaqaalaja lagu gaari karo dhismaha qaran xooggan oo bulshadiisa afaca oo daryeela ubadkiisa iyo agoontiisa, taasi oo u baahan in dhammaan loo istaago mucaarad iyo muxaafadba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka dowladnimada taasi oo ay ugu horayso dhamaystirka dastuurka dalka oo muddo dheer Ku-meelgaar ahaa.

Maanta waxa aynu taagnay tiir adag oo dalkeenna muhiim u ah, waxa aynu dhamaystirnay dastuurkii dalkeenna oo muddo dheer lasoo waday, kaasi oo aysan hirgalintiisa qeyb ka noqon dhaqaale iyo gacmo shisheeye, waa tiir wayn oo ka mid ah kuwa ay bulshadu heshiiska ku tahay, waxaanna inoo hartay in aynu dhamaystirno wada-hadallada iyo in afti dadweyne loo qaado”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.