Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo yeesheen ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka dalka,
Kulan ay sida wadajirka ah u yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa lagu meel mariyey Dastuurka kaddib cod aqlabiyad ah.
Wadar ahaan 222 xubnood oo ka kala tirsan labada Aqal ayaa ka qeyb qaatay codbixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah,Xubnahaasi ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey ansixinta Dastuurka dalka.
Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in Dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si sharci ah loo ansixiyey, isla markaana uu ka dhaqan geli doono dalka.
Ansixinta Dastuurkan ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhameystirka hannaanka dowlad dhisidda, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo adkeynta nidaamka federaalka ee dalka.



