Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho,
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.
2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabka fogaan aragga ah kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Meertada 61-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka, isagoo xusay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta horumarka laga gaaray arrimaha la xiriira Xuquuqda Aadanaha, iyo wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah,
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku dhiirrigaliyey dadaalkooda naf-hurka ah ee ay ugu adeegayaan qaranka Soomaaliyeed.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan looga hadlay ajandayaasha qaran ee hor-u-tabinta leh la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
5- Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey ka doodista qaar ka mid ah cutubyada Dastuurka KMG ah.
6- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo diiradda lagu saarey guulaha uu xiriirka labada dal ku tallaabsadey 15kii sanno ee la soo dhaafey.
7- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ka go’antahay sii waddida wadahadalada arrimaha masiiriga, isaga oo tilmaamay in Golaha Mustaqbalka ay Gogasha uga baxeen kadib markii ay la yimaadeen ajande ka baxsan shirka.
8- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa furay Tartanka Sanadlaha Heerka Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaasi oo ay ku tartamayaan sanadkii 4-aad, arday ka kala socota Dowlad Goboleedyada dalka.
9- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kormeeray dhismaha waddooyinka ee ka socda magaaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug
10- Wasaaradaha Cadaaladda iyo Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wadahdley ilaalinta nidaamka sharci iyo horumarinta habka garsooridda kiisaska la xiriira ganacsiga.
11- Wasaaradda Amniga ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku fartay Madaxda Hay’adaha Dowladda in ay gawaaridooda ku xiraan taargooyinka si kor loogu qaado hubinta amniga.
12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km oo laga hirgelinayo Galmudug.
13- Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa shir Jaraa’id oo wadajir ah ku qabtey magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay lacagaha baadda sharci darrada ah ee Khawaarijta xilligan oo kale isku dayaan in ay ka qaadaan ganacsatada.
14- Hay’adda NISA oo shaacisay in hawlgaladii u dambeeyey ee ay ka fulisay gobolada dalka iyada oo la kaashanaysa saaxiibada caalamka in ay ku dishay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.
15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta ee Turkiga, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee dhinaca warbaahinta.
16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday xarunta Hay’adda SoDMA, isagoo ku baaqey in la iska kaashado gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee dalka ku dhaqan.
17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa afur ugu sameeyay magaalada Muqdisho diblomaasiyiinta iyo wakillada ururrada caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
18- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimada, ayaa qabtay shir jaraa’id oo lagu shaaciyay in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.
19- Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Muqtaar Cumar ayaa ka qeybgalay kulan weynaha Ururka Wakaaladaha Wararka ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay dalka Sacuudiga.
20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa qaabilay Masuuliyiin ka socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyagoo ka wadahadley xaaladda Abaaraha Soomaaliya iyo gurmadka loo baahan yahay xilligani.
21- Hay’adaha SoDMA, Oman Charity iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah deeq afurin ah ugu qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.
22- Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyey amniga iyo horumarrada ka socda caasimadda Muqdisho, isagoo soo dhoweeyey go’aannada Wasaaradda amniga iyo hay’adaha ammaanka ee lagu xoojinayo hubinta amniga.

==========DHAMMAAD============

