Dowladda Soomaaliya oo IGAD u gubsiay dacwad ka dhan ah Kenya

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay urur goboleedka igad dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyadda dowladda kenya ay kula kacday madaxbanaanida jamhuriyadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya dowladda kenya.

Urur goboleedka igad oo ka soo jawaabay dacwadda dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20-ka Disembar ku yeelan doona magaalada djbiouti, kaasi oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay Faragelinta kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka urur gobolleedka igad iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro Mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida Dalalka Gobolka.