Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.
Xukuumadda Dan Qaran ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.


