Wasiirka hawlaha guud iyo madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km

Dhuusamareeb: Wasiirka hawlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta Dhuusamareeb uga qayb galay munaasabadda daah-furka dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo deegaanka Qaradhi, taasi oo dhererkeedu gaarayo 60-KM.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulkaGalmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka oo laf-dhabar u ah isku socodka bulshada iyo kobaca ganacsiga, isaga oo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada, fududeynta socodka iyo sare u qaadista fursadaha horumarineed ee Galmudug.
Mashruucan dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, waxaana munaasabadda daah-furla mashruuca ka qayb galay, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug.