Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay Kulan ku saabsan Xoojinta Iskaashiga Dhinaca Warbaahinta

Ankara(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Kulanka Labada dhinac waxaa looga hadlay Xoojinta Iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii Warbaahinta ay qeyb weyn uga qaadan lahayd guulaha uu ku tallaabsaday iskaashiga labada Dal oo haatan meel fiican maraya.

Labada dal ayaa isku Afgartey inay abuuraan Wadashaqeyn Istaraatiijiyadeed oo looga Hortagayo Dhibaatada Wararka been-Abuurka ah, isla markaana la iska kaashado Xirfadaha iyo Aqoonta Warbaahinta Casriga ah.

Wadahadalka Labada dhinac ayaa qeyb ka ah Kulan Caalami ah oo looga hadlayo Xoojinta Saaxiibtinimada uu Turkiga la leeyahay Afrika, gaar ahaan Iskaashiga iyo Wax Wadaqabsiga sii kordhaya ee sida gaarka ah u dhexeeya Soomaaliya.

Shirkan Caalamiga ah waxaa ka soo qeybgalay Diblomaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Khubaro, kuwaas oo si Saraaxad leh uga doodaya Iskaashiga Dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Sayniska, iyo Is-Dhexgalka Dadyowga Labada Dal.